Xaggee buu marayaa dhaqaalaha dunida yaa ugu sareeya yaa ugu hooseeya
Ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub fayrasak karona, dagaalka Ukraine iyo canshuuraha ganacsiga ayaa laga yaabaa in ay abuuraan xaalado dhaqaale, laakin inkastoo caqabadahaas ay jiraan haddana waxaa la qiyaasayaa in dhaqaalaha adduunka uu sii wadi doono koritaanka tobanaanka sano ee soo socda.
Dhab ahaantii marka la gaaro 2050-ka dhaqaalaha dduunka ayaa labajibaarmi doona sida la saadaalinayo in inkastoo Qaramada Midoobey ay sheegayso in tirade dadka caalamka ay kordhi doonto 26%. Koritaankaas ayaa keeni doono caqabado badan In kasta oo ay adkaan karto in la saadaaliyo sida uu mustaqbalka u dhici doono, haddana dhaqaala-yahannada intooda badani waxay isku raaceen hal shay: suuqyada soo koraya ee maanta waxay noqon doonaan kuwa berrito ah marka la eego quwadaha waaweyn ee dhaqaalaha.
Sida laga soo xigtay warbixinta The World ee 2050 ee shirkadda caalamiga ah ee adeegyada xirfadeed ee PwC, 30 sano gudahood, lix ka mid ah toddobada dhaqaale ee ugu weyn adduunka ayaa noqon doona dhaqaalaha soo koraya maanta, dhaqaalaha Maraykanka ayaa hoos u dhici doona . Japan waxay hoos ugu dhacday 4 ilaa 3 ilaa 8 iyo Jarmalka oo hoos uga dhacay 5 ilaa 9.
Xitaa dalalka dhaqaalaha yar yar sida Vietnam, Filibiin iyo Nigeria waxay la kulmi doonan koboc weyn heerarkooda sodonka sano ee soo socda, sida lagu sheegay warbixinta.
Waxaan la hadalnay dadka deegaanka ee ku nool shan wadan oo awood u leh inay koraan si aan u ogaano sida ay ula tacaalayaan isbedelada xawliga ah ee hadda ka socda, faa’iidooyinka ay ka helayaan ku noolaanshaha deegaanadaas iyo caqabadaha dalalkooda ay la kulmaan marka ay sare u kacaan
Comments
Post a Comment