Warka maanta Laascaanood iyo arima heeda


 Duqa Laascaanood ee Somaliland, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada,

Cabdiraxiin oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ba’an ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin shacabka.

“Waxaanu cadeynaynaa in la duqeynayo goobihii caafimaadka, iyo masaajiddadii, iyo kaalmihii shidaalka iyo guryihii dadka shacabka , ayuu yiri Duqa Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil .

Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadii Somaliland ee ahayd in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxo argagixiso ah , Waxana ku dagaalamaya shacabkii Laascaanood oo naftooda iyo cirdigooda difaacaya ”.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana lagu soo warramayaa in uu maanta kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi.

Comments

Popular posts from this blog

Nigeria Mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan Afrika, oo ah Nigeria waxay diyaar u tahay in dhaqaalaheedu uu u koro heerka ugu dhaqsiyaha badan sanadka 2050, celcelis ahaan 4.2%.

Dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo meel xasaasiya maraya