Warka maanta laas caanood iyo maalinkii Afaraad


 Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi. 


Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay. 

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isku adeegsadaan hub culus iyo sidoo kale madaafiic ku soo dhaceysa xaafadaha qaar ee magaaladaasi. 

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii 4-aad. 

afarta maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama ay weli xabaddu sii dhaceyso. 


Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland. 

Dagaalka oo ah mid sii xoogeynsanayo ayaa sidoo kale kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac. 


Comments

Popular posts from this blog

Warka maanta Laascaanood iyo arima heeda

Nigeria Mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan Afrika, oo ah Nigeria waxay diyaar u tahay in dhaqaalaheedu uu u koro heerka ugu dhaqsiyaha badan sanadka 2050, celcelis ahaan 4.2%.

Xaggee buu marayaa dhaqaalaha dunida yaa ugu sareeya yaa ugu hooseeya