Dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo meel xasaasiya maraya
Hogaamiyaha Ukraine ayaa dalkiisa diyaarado dagaal geeyey Faransiiska iyo Jarmalka ka dib markii uu la kulmay madaxda UK.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa Arbacadii la kulmay hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka, kulankaas oo ka dhacay magaalada Paris, halkaas oo ay ku ballan qaadeen taageerada joogtada ah ee Ukraine.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz waxay ku celiyeen rumaysadkooda ah in Ruushku aanu ku guulaysan dagaalka.
Mr Zelensky ayaa jeedin doona codsiyo badan oo la xiriira diyaarado marka uu la kulmo hogaamiyayaasha Midowga Yurub ee Brussels maanta oo khamiis ah
Waxa uu aaminsan yahay in diyaaradaha dagaalka iyo gantaalada riddada dheer ay muhiim u yihiin marka laga soo tago taangiyada Leopard 2 ee wadamada reer galbeedku ay dhawaan ku heshiiyeen in la siiyo Ukraine.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen Mr Macron iyo Scholz fiidnimadii Arbacada,
Mr Zelensky wuxuu sheegay “ in Faransiiska iyo Jarmalku ay awood u leeyihiin inay noqdaan "kuwa badela" dagaalka ka dhanka ah Ruushka iyagoo siinaya Ukraine taangiyo dagaal, diyaarado dagaal oo casri ah iyo gantaallada riddada dheer “.
Waxa uu sheegay in laga wada hadlay kaalmadan waxa uuna ka digay in waqtiga la haystaa uu yaryahay oo loo baahanyahay in Ukraine ay hesho hubka ay rabto si dhaqso ah.
Mr Macron waxa uu sheegay in Ukraine ay ku xisaabtami karto taageerada Faransiiska, isla markaana ay ka go’an tahay inay Ukraine ku caawiso guusha iyo dib u soo celinta xuquuqdeeda sharciga ah.
Mr Scholz ayaa sidoo kale yiri: "Mowqifkeenna waxba iskama beddelin: Ruushku waa inaanu ku guulaysan dagaalkan."
Arrintaan ayaana la macno ah in labada waddan ay go'aansadaan inay keenaan diyaarado dagaal mase cadda waqtiga ay dhacayso.
Madaxweynaha Faransiiska iyo ra'iisal wasaaraha Jarmalka labaduba waxay la kulmeen dhaleecayn ah inay aad uga gaabiyeen inay taageeraan Ukraine.
Mr Zelensky ayaa hore u muujiyay sida uu uga xun yahay Mr Macron, kaasoo sii waday inuu taleefoon kula hadlo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib duulaankii.
Laakiin madaxweynaha Ukraine ayaa u sheegay wargeyska Faransiiska ee Le Figaro inuu aaminsan yahay in Mr Macron uu isbedelay. Waxa uu sheegay in ay ka go'an tahay inuu Ukraine ku taageero guusha iyo in uu "albaabka u furay" keenista taangiyada bishii hore.
Booqashada Mr Zelensky ee Khamiista ee Brussels ayaa timid ka dib markii uu Arbacadii khudbad ka jeediyay baarlamaanka UK .
Comments
Post a Comment