Alshabaab oo beeniyay eedayn tii soomaalilnd
Kooxda Al-Shabaab ayaa ku gacan sayrtay sheegashada Somaliland ee ku saabsan in dagaal-yahanada kooxdaas ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Somaliland ayaa badan ku cel celisay in Laascaanood ay ka dagaalamayaan argagixisio iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taasi oo dadka deegaanka ay horey ugu macneeyeen in loogu qiil raadinayo dilka shacabka.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo maanta wareysi gaar ah siiyay Garasho media ayaa yiri “”Waxaan heynaa oo aanu diiwaan-gelinay in maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada milatariga.”
Wasiirka ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen tiro kamid ah maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa kale oo kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku qabteen dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood.
Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna war-saxaafadeed ay soo saareen kuyiraah deen “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si adag u beeninaysaa hadal maanta oo Khamiis ah kasoo yeeray maamulka isku magacaabay Somaliland, kaas oo wasiir u hadlay uu sheegay in ay magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan Mujaahidiinta Al-Shabaab.”
Qoraalka ayaa intaas ku daray “Xarakada Al-Shabaab waxay xaqiijinaysaa in hadalka kasoo yeeray maamulkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn. Xarakada Al-Shabaab ma aqbalayso in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.”
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in sheegashada Somaliland ay tahay mid maamulka Hargeysa “uu eedeymahaas been-abuurka ah kaalmo uga helo gaalada caalamka, si ay ugu taageeraan gumaadka uu ku hayo bulshada Laascaanood.”
Comments
Post a Comment