Hindiya Dalka labaad ee ugu dadka badan aduunka ayaa la filayaa in uu koboc weyn sameeyo sodonka sano ee soo socda

 


,isaga oo celcelis ahaan gaari doona 5% kobaca wax soo saarka dalka sanad walba,sida lagu sheegay warbixinta – taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah wadamada ugu kobaca dhaqaalaha badan aduunka. Marka la gaaro 2050,

 Hindiya waxaa la saadaalinayaa in ay noqon doonto dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka oo dhaafi doona Mareykanka, waxaana ay ka dhigan tahay 15% wadarta guud ee GDP. 

Natiijooyinka wanaagsan ee koritaanka ayaa durba bilaabay inay saameyn ku yeeshaan dadka deegaanka. 

"Laga soo bilaabo dhamaadkii Qarnigii 20-aad iyo bilowgii Qarnigii21-aad, 

waxaan arkaynaa Hindiya oo is baddaleysa inanga oo daawaneyna," ayuu yiri Saurabh Jindal oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindia, isla markaana maamula barnaamijka la yiraahdo Talk Travel. "Kobaca dhaqaaluhu waxa uu horseeday isbedello badan oo ku yimid hab nololeedka dadka, laga soo bilaabo fir-fircoonida magaalada ilaa hab-dhaqanka bulshada iyo ugu dambayntii socodkii iyo wada sheekaysigii guud ee dalka iyo dadka deegaanka." 

“Tusaale ahaan, waxaa 15-kii sano ee la soo dhaafay horumar weyn laga sameeyay tayada telefishinnada, taleefoonnada gacanta iyo noocyada baabuurta,” ayuu yiri Jindal, iyadoo socdaalka hawada uu noqday mid la heli karo, guryuhuna ay noqdeen kuwo aad u deggan oo hodan ah. 


Comments

Popular posts from this blog

Warka maanta Laascaanood iyo arima heeda

Nigeria Mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan Afrika, oo ah Nigeria waxay diyaar u tahay in dhaqaalaheedu uu u koro heerka ugu dhaqsiyaha badan sanadka 2050, celcelis ahaan 4.2%.

Xaggee buu marayaa dhaqaalaha dunida yaa ugu sareeya yaa ugu hooseeya