Posts

Showing posts from February, 2023

Change Yourself and not The World

Image
 Change Yourself and not The World: Long ago, people lived happily under the rule of a king. The people of the kingdom were very happy as they led a very prosperous life with an abundance of wealth and no misfortunes. Once, the king decided to go visiting places of historical importance and pilgrim centres at distant places. He decided to travel by foot to interact with his people. People of distant places were very happy to have a conversation with their king. They were proud that their king had a kind heart. After several weeks of travel, the king returned to the palace. He was quite happy that he had visited many pilgrim centres and witnessed his people leading a prosperous life. However, he had one regret. He had intolerable pain in his feet as it was his first trip by foot covering a long distance. He complained to his ministers that the roads weren't comfortable and that they were very stony. He could not tolerate the pain. He said that he was very much worried about the peop...

A Merchant and his Donkey

Image
  A Merchant and his Donkey: One beautiful spring morning, a merchant loaded his donkey with bags of salt to go to the market, in order to sell the salt. The merchant and his donkey were walking along together. They had not walked far when they reached a river on the way. Unfortunately, the donkey slipped and fell into the river. As it scrambled up the bank of the river, it noticed that the bags of salt loaded on his back had become lighter. There was nothing the merchant could do except return home, where he loaded his donkey with more bags of salt. As they reached the slippery riverbank again, the donkey fell into the river, this time deliberately. Thus the salt was wasted again. By now the merchant knew the donkey's trick. He wanted to teach the animal a lesson. As he returned home the second time with the donkey, the merchant loaded bags of sponges on its back. The duo set out on their trip to the market a third time. On reaching the river, the donkey very cleverly fell into th...

seventeen Camels and three Sons

Image
 seventeen Camels and three Sons: Long ago, there lived an old man with his three sons in a deserted village, located in the vicinity of a desert. He had 17 camels, and they were the main source of his income. He used to rent out camels as a means of shipping in the desert. One day, he passed away. He had left a will, leaving his assets for his three sons. After the funeral and the other obligations were over, the three sons read the will. While their father had divided all the property he had into three equal parts, he had divided the 17 camels in a different way. They were not shared equally among the three as 17 is an odd number and a prime number, which cannot be divided. The old man had stated that the eldest son will own half of the 17 camels, the middle one will get one third of the 17 camels, and the youngest one will get his share of camels as one ninth! All of them were stunned to read the will and questioned each other how to divide the 17 camels as mentioned in the will...

Nigeria Mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan Afrika, oo ah Nigeria waxay diyaar u tahay in dhaqaalaheedu uu u koro heerka ugu dhaqsiyaha badan sanadka 2050, celcelis ahaan 4.2%.

Image
  Nigeria  Mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan Afrika, oo ah Nigeria waxay diyaar u tahay in dhaqaalaheedu uu u koro heerka ugu dhaqsiyaha badan sanadka 2050, celcelis ahaan 4.2%.  Iyadoo dowladdu ay la dagaalantay musuqmaasuqa, dadka deegaanka waxay leeyihiin niyad ganacsi oo sii dhiiragalineysa dadka inay horay u sii wadaan howlahooda ganacsi.  Marka loo eego xogta Monitoring Entrepreneurship Global, in ka badan 30% dadka reer Nigeria waa ganacsato ama milkiilayaal cusub - oo ka mid ah kuwa ugu horumarsan adduunka.

Meksiko Sannadka 2050-ka, Meksiko waxa ay diyaar u tahay in ay noqoto waddanka toddobaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka

Image
 Meksiko Sannadka 2050-ka, Meksiko waxa ay diyaar u tahay in ay noqoto waddanka toddobaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka, iyada oo afar meelood ka soo sara mari doonto kaalinta 11-aad ee ay hadda kaga jirto qiimaynta la sameeyay.  Waxay diiradda saartaa wax soo saarka iyo dhoofinta taasi oo u horseeday kobac xoogan sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo xaalada dhaqaale ee hadda jirta ay caqabad ku noqtay wax badan oo dalkan uu gaari lahaa Haddii aad fursad hesho oo aad si adag u shaqeyso, horumar waad gaari kartaa. Daryeelka caafimaadka iyo gaadiidka ayaa halkan ka jaban marka loo eego Maraykanka, Canada iyo Yurub. "Waxaan joogay magaalada Merida, Yucatan ee Meksiko, qiimaha gawaarida online-ka ku shaqeeya wuxuu ahaa $4 ilaa $10 [qiyaastii “ayay tiri Suzan Haskins, tafatiraha guud ee jariiradda Living International. Wadamo badan oo soo koraya, kaabayaasha iyo xaaladaha waddooyinka ayaa caqabad ku noqon kara, laakiin dawladdu waxay hadda bilowday maalgelin kaabayaal dhaqaale ...

Brazil Dalkan awodda leh ee koonfurta Mareykanka

Image
 Brazil Dalkan awodda leh ee koonfurta Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay noqdo dalka shanaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka marka la gaaro sanadka 2050-ka, iyada oo ka sara mari doonta dalalka Japan, Jarmalka iyo Ruuushka. Dalka Brazil oo uu ka buuxo kheyraad dabiici ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa uu ahaa mid dhaqaalihiisa sare u sii kacayay,balse waxaa soo food saaray caqabado ay la daalaa dhacayaan dadka dalkaasi sida musuq maasuqa iyo sicir bararka ka jiray dalkaasi sanadihii u dambeeyay. Brazil waa mid ka mid ah wadamada ugu weyn adduunka dhanka macdanta, beeraha iyo warshadaha.

Hindiya Dalka labaad ee ugu dadka badan aduunka ayaa la filayaa in uu koboc weyn sameeyo sodonka sano ee soo socda

Image
  ,isaga oo celcelis ahaan gaari doona 5% kobaca wax soo saarka dalka sanad walba,sida lagu sheegay warbixinta – taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah wadamada ugu kobaca dhaqaalaha badan aduunka. Marka la gaaro 2050,  Hindiya waxaa la saadaalinayaa in ay noqon doonto dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka oo dhaafi doona Mareykanka, waxaana ay ka dhigan tahay 15% wadarta guud ee GDP.  Natiijooyinka wanaagsan ee koritaanka ayaa durba bilaabay inay saameyn ku yeeshaan dadka deegaanka.  "Laga soo bilaabo dhamaadkii Qarnigii 20-aad iyo bilowgii Qarnigii21-aad,  waxaan arkaynaa Hindiya oo is baddaleysa inanga oo daawaneyna," ayuu yiri Saurabh Jindal oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindia, isla markaana maamula barnaamijka la yiraahdo Talk Travel. "Kobaca dhaqaaluhu waxa uu horseeday isbedello badan oo ku yimid hab nololeedka dadka, laga soo bilaabo fir-fircoonida magaalada ilaa hab-dhaqanka bulshada iyo ugu dambayntii socodkii iyo wada sheekaysigii guud ee dalka...

Wadamada dhaqaalahooda sii kobcayo illaa 2050 uguna dhaqaale sarayn doona aduunka .

Image
1: Shiinaha  Kobaca dhaqaalaha ee Shiinaha oo ay shaaciyeen xisbiga talada haya ee Shiinaha ee PPP ayaa muujinaya in Shiinaha uu durbaba yahay dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka. Waddanka awoodda badan ee ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay gaaray guulo la taaban karo oo dhanka dhaqaalaha ah, hase yeeshee dhaqaaloyannada ayaa carrabka ku adkeeyay in guushani ay tahay bilow un oo ay guulo badan soo socdaan.  Isbedello waaweyn oo dhanka dhaqaalaha ah ayay dadka Shiinaha marqaati ka ahaayeen. “Dalkeyga, sannadadii la soo dhaafay ayaa waxaa laga hirgaliyay Kaabayaal dhaqaale oo waaweyn kuwaas oo horseeday in maagaalooyin qurux badan ay dhismaan. Waxaa ka mid ah warshado, goobo laga dukaameysto oo waaweyn, maaqaayado iyo waddooyin. Waddanka oo dhan ayaa is baddalaya marka loo eego 15-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Rowan Kohl loo ah qoraaga buugaagta 1-Minute Chinese Books. 

Xaggee buu marayaa dhaqaalaha dunida yaa ugu sareeya yaa ugu hooseeya

Image
Ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub fayrasak karona, dagaalka Ukraine iyo canshuuraha ganacsiga ayaa laga yaabaa in ay abuuraan xaalado dhaqaale, laakin inkastoo caqabadahaas ay jiraan haddana waxaa la qiyaasayaa in dhaqaalaha adduunka uu sii wadi doono koritaanka tobanaanka sano ee soo socda. Dhab ahaantii marka la gaaro 2050-ka dhaqaalaha dduunka ayaa labajibaarmi doona sida la saadaalinayo in inkastoo Qaramada Midoobey ay sheegayso in tirade dadka caalamka ay kordhi doonto 26%. Koritaankaas ayaa keeni doono caqabado badan In kasta oo ay adkaan karto in la saadaaliyo sida uu mustaqbalka u dhici doono, haddana dhaqaala-yahannada intooda badani waxay isku raaceen hal shay: suuqyada soo koraya ee maanta waxay noqon doonaan kuwa berrito ah marka la eego quwadaha waaweyn ee dhaqaalaha. Sida laga soo xigtay warbixinta The World ee 2050 ee shirkadda caalamiga ah ee adeegyada xirfadeed ee PwC, 30 sano gudahood, lix ka mid ah toddobada dhaqaale ee ugu weyn adduunka ayaa noqon doona d...

Alshabaab oo beeniyay eedayn tii soomaalilnd

Image
 Kooxda Al-Shabaab ayaa ku gacan sayrtay sheegashada Somaliland ee ku saabsan in dagaal-yahanada kooxdaas ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.  Somaliland ayaa  badan ku cel celisay in Laascaanood ay ka dagaalamayaan argagixisio iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taasi oo dadka deegaanka ay horey ugu macneeyeen in loogu qiil raadinayo dilka shacabka.  Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo maanta wareysi gaar ah siiyay Garasho media ayaa yiri “”Waxaan heynaa oo aanu diiwaan-gelinay in maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada milatariga.”  Wasiirka ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen tiro kamid ah maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa kale oo kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku qabteen dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood.  Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna war-saxaafadeed ...

Dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo meel xasaasiya maraya

Image
 Hogaamiyaha Ukraine ayaa dalkiisa  diyaarado dagaal geeyey Faransiiska iyo Jarmalka ka dib markii uu la kulmay madaxda UK. Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa Arbacadii la kulmay hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka, kulankaas oo ka dhacay magaalada Paris, halkaas oo ay ku ballan qaadeen taageerada joogtada ah ee Ukraine. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz waxay ku celiyeen rumaysadkooda ah in Ruushku aanu ku guulaysan dagaalka. Mr Zelensky ayaa jeedin doona codsiyo badan oo la xiriira diyaarado marka uu la kulmo hogaamiyayaasha Midowga Yurub ee Brussels maanta oo khamiis ah Waxa uu aaminsan yahay in diyaaradaha dagaalka iyo gantaalada riddada dheer ay muhiim u yihiin marka laga soo tago taangiyada Leopard 2 ee wadamada reer galbeedku ay dhawaan ku heshiiyeen in la siiyo Ukraine. Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen Mr Macron iyo Scholz fiidnimadii Arbacada,  Mr Zelensky wuxuu sheegay “ in Faransiis...

Warka maanta Laascaanood iyo arima heeda

Image
 Duqa Laascaanood ee Somaliland, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada, Cabdiraxiin oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ba’an ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin shacabka. “Waxaanu cadeynaynaa in la duqeynayo goobihii caafimaadka, iyo masaajiddadii, iyo kaalmihii shidaalka iyo guryihii dadka shacabka , ayuu yiri Duqa Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil . Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadii Somaliland ee ahayd in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxo argagixiso ah , Waxana ku dagaalamaya shacabkii Laascaanood oo naftooda iyo cirdigooda difaacaya ”. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana lagu soo warramayaa in uu maanta kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac. Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya wa...

Warka maanta laas caanood iyo maalinkii Afaraad

Image
 Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.  Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay.  Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isku adeegsadaan hub culus iyo sidoo kale madaafiic ku soo dhaceysa xaafadaha qaar ee magaaladaasi.  Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii 4-aad.  afarta maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama ay weli xabaddu sii dhaceys...